Wednesday, 30 July 2014 09:02 ( GMT ) 10:02 (London, United Kingdom) 
 

Caano Geel lagu gado London

Dhageyso Waraysiga Calawi Sharif ee BBC Somali   Dhageyso Waraysiga Calawi Sharif
[Enlarge] Maqal Waraysiga Calawi Sharif
Maqal Waraysiga Calawi Sharif
Inta badan makhaayadaha iyo suuqyada cunnada iyo hilibka lagu iibiyo ee somalidu ku leedahay waxaa in dhaweyd ku soo kordhay oo lagu iibiyaa CAANO GEEL oo laga keeno beer ku taal dalka Holland oo lagu dhaqo Geela. Caanaha laga liso geelaas oo caagag ku jira ayaa la keena London iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee britian, kadibna waxaa lo qaybiyaa makhaayadaha,suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee somalida.
[Enlarge] Warshadda Caanaha Geela (Cromvoirt, Netherlands)
Warshadda Caanaha Geela (Cromvoirt, Netherlands)
    Calawi Shariif Aboow oo ah wakiilka UK ee shirkadda caanaha geelaha ku sameysa dalka holland oo BBC u waramay ayaa sheegay in Caanaha geela aad loo jecel yahay oo isla marka la geeyo goobaha lagu iibiyo somalidu ay kala boobaan. Calawi Shariif wuxuu sheegay in caanahaas ay la dhadhan yihiin caanihii geela somalida, caafimaad ahaan lagu kalsoon yahay mar haddii dal yurub ku yaal lagu farsameeyey. Wuxuuna shegay in hadda ay ka soo dalbadeen caanaha geela ganacsato u dhalatay Marocco iyo Algeria oo doonaya Caanaha geela, maadaama dalalkaas lagu dhaqdo geela sida somalia.